MODERNIZATION THEORY WALT ROSTOW’S STAGES OF ECONOMIC GROWTH
Isku-filnaasho dhaqaale iyo 🏗horumar in la gaaro waa mid ka mid ah hadafyadda ugu waaweyn ee hiigsanayaan iney gaaraan dowladdaha.
Waxaa jiro maraaxil kala duwan ee uu soo maro horumarka dhaqaale ee wadan, 𝗪𝗮𝗹𝘁 𝗥𝗼𝘀𝘁𝗼𝘄 oo ah dhaqaal- yahan Amerikaan, ayaa waxaa uu sheegay iney jiraan shan marxaladood ee uu soo maro horumarka dhaqaale ee wadan (Rostow’s Stages of Economic Growth):-
𝟙: 𝗧𝗿𝗮𝗱𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗼𝗰𝗶𝗲𝘁𝘆: Marxaladaan 1aad, waa marka wadan dhaqaali- hiisa uu ku tiirsan yahay beeraha, dalaga ka soo go’a beerahana aan loo isticmaalin ka-ganacsi dibadda, kaliya lagu daboolo baahida dalkaas.
𝟚: 𝗧𝗵𝗲 𝗣𝗿𝗲𝗰𝗼𝗻𝗱𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗳𝗼𝗿 𝘁𝗮𝗸𝗲𝗼𝗳𝗳: Marxaladaan 2aad, waa marka wadan dhaqaalihiisa isna uu ku tiirsan yahay beeraha, dalaga ka soo go'a beerahana loo isticmaalayo ka-ganacsi dibadda ah, si guud wadamadda marxaladdaan ku jira waxay ku tiirsan yihiin:-
➟Dhoofinta raw-materials/primary product oo ah dalagii ka soo go’ay beeraha oo aan la warshadeynin.
➟Labor Intensive: Shaqaale, maxaa yeelay dalku kuma tiirsana marxaladaan tiknoologiyad.
𝟛. 𝗧𝗮𝗸𝗲𝗼𝗳𝗳: Marxaladaan 3aad, waa marka wadanka warshadihiisa ay horumarsan yihiin, waxaa uu u baahan yahay wadankaas maalgashi caalami ah 𝐹𝑜𝑟𝑒𝑖𝑔𝑛 𝐷𝑖𝑟𝑒𝑐𝑡 𝐼𝑛𝑣𝑒𝑠𝑡𝑚𝑒𝑛𝑡 (𝑭𝑫𝑰), si wadankaas uu u helo maalgashi caalami ah, waxaa jira shuruudo ku xiran inuu helo maalgashigaas.
► 𝘍𝘢𝘤𝘵𝘰𝘳 𝘱𝘳𝘪𝘤𝘦: Shaqaalaha wadanka la-maalgashanayo mushaarka ah qaataan inta uu la egyahay.
► 𝘓𝘢𝘯𝘥 𝘙𝘦𝘯𝘵: Qiimaha kiradda dhulka , shirkadaha sameynaya maalgashiga uma badna iney iibsadaan dhul, intooda badan waa kireystayaal, haddii wadanka qiimaha kiradda dhulkiisa ay sareyso dhaqaale ahaan madooran karaan qiimahaan.
► 𝘏𝘶𝘮𝘢𝘯 𝘊𝘢𝘱𝘪𝘵𝘢𝘭: Heerka aqoonta dadka inta ay la’egtahay, haddii la keeno warshado mala-heli karaa Injineero ka shaqeysa warshadahaasi, Tusaalle: waxaa jiro kiisas ka kala dhacay wadamadda Myanmar iyo Burma ka dib markii ay degtay shirkadda TOYOTO waxay weysay mechanical Engineero ka shaqeeya shirkadda.
► 𝘗𝘩𝘺𝘴𝘪𝘤𝘢𝘭 𝘐𝘯𝘵𝘦𝘯𝘴𝘪𝘷𝘦: Shirkadaha sameynayo maalgashiga waxay la kulmaan discrimination tax, oo ah in laga qaado canshuuraad dheeri ah ama gaar ah, marka hore waxay fiiriyaan nidaamka iyo sharciga maalgashiga dalka u yaal , waxaa jiro dalal ku yaal Asia, sida Indonesia, Thailand, sharciga maalgashiga dalalkaan ayaa ah in 51% maalgashiga inuu noqdo gudaha (Jointly partnership Requirements)
► 𝘈𝘨𝘨𝘭𝘰𝘮𝘦𝘳𝘢𝘵𝘪𝘰𝘯 𝘧𝘢𝘤𝘵: in la fiiriyo kaaba-yaasha dhaqaalaha ee wadanka la-maalgashanayo.
Business Investment Climate: Waa in maalgashta-yaashu ay dhinacyo badan ka fiiriyaan dalka ay maalgashanayaan sida:-
◍ Beuaratic system (Nooca dowladnimada)
◍ Corruption, heerka musuq-maasuqa
◍ Debts, Deymaha lagu leeyahay wadanka la maalgashanayo
◍ Political Stability: heerka xasiloonidda siyaasadeed ee dalkaas
◍ Legal system: Sharciga wadanka inta lagu kalsoonaan karo.
𝟜. 𝗗𝗿𝗶𝘃𝗲 𝘁𝗼 𝗠𝗮𝘁𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆: Marxaladaan 4aad, waa marka wadanka warshadihiisa ay horumarsan yihiin heerka noloshuna ay sareyso, 𝑙𝑖𝑣𝑖𝑛𝑔 𝑠𝑡𝑎𝑛𝑑𝑎𝑟𝑑, the quality of housing, material comfort, and wealth. Dowladdaha marxaladdaan ku jira waxaa ka mid ah Brazil.
𝟝. 𝗛𝗶𝗴𝗵 𝗠𝗮𝘀𝘀 𝗖𝗼𝗻𝘀𝘂𝗺𝗽𝘁𝗶𝗼𝗻: Marxaladaan 5aad, waa marka dhaqaalaha wadanka uu ku tiirsan yahay adeeg/services, uusan ku tiirsaneyn beero iyo warshado, Marxaladaan waa marxaladii ugu dambeysay ee uu wadan ka gaaro horumarka dhaqaale, dowladaha gaarey marxaladaan waxaa ka mid ah US, Japan, Canada iyo Jermal.
─── ⋆⋅☆⋅⋆ ──
➥Ustaad: Abdinur Ali Mohamed
➦WQ: Abukar Mohammed Ibrahim